Guddoomiye Mursal oo Khudbad u jeedinaya Xildhibaanada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maalinta beri ah khudbad u jeedin doono xildhibaanada Golaha Shacabka.

Khudbad jeedintaan ayaa timid ka dib markii inta badan aysan soo xaadirin kulankii Xildhibaanadda ee maalmihii ugu dambeeyay.

Waxaa uu sidoo kale muran badan ka taagan yahay Awoodda baarlamaanka Soomaaliya uu u leeyahay la xisaabtanka Xukuumadda.

Ajanddaha kulanka  ayaa sidoo kale waxaa ka taagan buuq badan.