Wax walba oo ku saabsan kullanka West Ham vs Arsenal

Premier League ayaa dib loo ciyaari doonaa ka dib toddobaad ay kooxaha Ingiriiska ciyaarayeen tartanka FA Cup-ka.

Kullanka ugu soo horreeya maanta ayaa waxa uu dhex mari doonaa kooxaha West Ham United iyo Arsenal.

Kullanka ayaa soo dhici doona 15:30 xilliga geeska Africa, waxaana uu ku dhaci doonaa garoonka London Stadium ee ay Hammers ku ciyaarto.

Xiddigaha kullankan seegi kara, iyo kuwa soo laabanaya

Samir Nasri ayaa ciyaara kullankiisii ugu horreeyay ee Premier League tan iyo AugustĀ  2016, waxaana uu wajahi doonaa kooxdiisii hore ee Arsenal, waxaase liiska dhaawacyada West Ham uu yahay mid ay ku jiraan xiddigo aad u badan.

Winston Reid (jilibk), Jack Wilshere, Ryan Fredericks (labada anqow), Fabian Balbuena, Manuel Lanzini, Carlos Sanchez (jilibka) iyo Andriy Yarmolenko (feysha) ayaa dhammaantood kullankan seegaya.

Unai Emery ayaa dhankiisa helaya xiddigo dhowr ah oo daafaca ka ciyaara kuwaasoo dhaawacyo kaga maqnaa kooxdiisa.

Waxaa uu dib u helayaa Koscienly, Bellerin, Mustafi iyo Monreal ayaa dhammaantood diyaar ah kullankan ka dib dhaawacyo ay ku maqnaayeen markii ah kasoo laabteen.

Danny Welbeck iyo Rob Holding ayaa ah kuwa aanan weli kullankan diyaar u ahay.

Safafka macquulka ah ee ay labada koox kusoo billaabi karaan

West Ham: Fabianisk; Cresswell, Ogbona, Diop, Zapaleta; Obiang, Rice, Noble; Anderson, Carrol, Snodgrass.

Arsenal: Leno; Mustafi, Sokratis, Koscienly; Maitland-Niles, Torreira, Xhaka, Kolasinac; Iwobi, Aubameyang, Lacazette.