Wasiirka Maaliyadda oo qalab kala duwan ku wareejiyey Hay’adaha dowladda “Sawiro”

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa maanta ku wareejiyey qalab ka kooban Kombuyuutaro, Laabtoobyo, Birintiro  iyo Footokoobiyo hay’adaha dowladda,

Qalabkaan ayaa loo isticmaalayaa nidaamka cusub ee Financial Management Information System (FMIS) oo lagula soconaya dakhliga u soo xarooda dowladda, nidaamkaan oo la hirgaliyey sanadkii la soo dhaafay balse hada si toos ah loogu xiray dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in qalbkaan ay wasaaradu ugu tala gashay in la balaariyo hufnaanta maamulka maaliyadda dalka iyo isla xisaabtanka, loona fududeeyo qoondooyinka miisaaniyadeed ee hay’aduhu ka soo dalbanayaan Wasaarada Maaliyadda.

Waxaay arintaan qayb ka tahay hagaajinta maamulka maaliyadda guud ee dalka oo wasaaradu ay waday ilaa 2013.. kaas oo hada maraya qaab la jaanqaadi kara caalamka, si gooni ahna wasaarada loogu amaanay iney wax badan kaga horayso wadamada ka mid ah kuwa soo koraya.

1 2 3- 4 5 6 7 8