Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu welhiyo taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabaas Amiin ayaa waxay kulan la qaateen saraakiil ka tirsan hogaanka taliska ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya.
Dhinacyadaasi waxay ka wada hadleen sidii dowladda Mareykanka ay u xoojin leheed tababarada la siiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska Danab iyo dardargalinta dagaalada ka dhan ah Al-Shabaab.
Wasiirka iyo taliyaha ayaa sidoo kale ka wada hadlay qorshaha dowladda Mareykanka ay ciidankeeda ugala baxayso Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto tababaraada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Danab.



