Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray magaalada Kismaayo

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in wafdigii uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga General Diini ee ka koobnaa Odayaasha, Dhaqanka , Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ay gaareen magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaaladaasi ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.

C/qaadir Sheekh Cali Diini wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shirka ka soconaya Kismaayo oo lagu heshiisiinayo beelo walaalo ah oo dirir ay dhex martay.

Dhanka kale meel u dhaw garoonka diyaaradaha  Kismaayo oo la yiraado Baar-caleen ayaa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo dhulka lagu Aasay,

Warar hordhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 3 qof.

Wixii ku soo kordha warkaas la soco