Xildhibaanada dalka Kenya ayaa su’aalo la xariira khasaaraha askarta Kenya ka soo gaaray weerarkii Ceel-Cadde weydiiiyay wasirka gaashaandhiga dalkaasi Raychelle Omamo iyo saraakiil kale oo ciidan.
Xildhibaanada baarlamaanka Kenya waxa ay wasiirka iyo saraakiisha la waraystay weydiyeen tirada rasmiga ah ee askartii ku waxyeelowday weerarkii Ceel-Cadde.
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay baahinta tirada rasmiga ee askarta waxyeeladu gaartay.
Wasiirka gaashaandhiga Kenya Raychelle Omamo waxaa uu sheegtay in su’aalaha aysan jawaab u heyn oo ay adag tahay in hadda xildhibaanada loo sheego khasaaraha rasmiga ee askartooda kasoo gaartay.
Ururka Al-Shabab ayaa bartamihii bishii January ee sanadkaan waxa ay weerar ku qaadeen xarun ay ciidamada Kenya ku lahaayeen Ceel-Cade.


