Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa Goordhow gaaray wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo wafdiga siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,waxaana ka mid ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal,,waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Madaxweyne Xaaf Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay lagu waday in uu gaaro Magalada Gaalkacyo, hayeeshee safarkiisii uu dib ugu dhigay sababo la xiriira wafdiga ka socda dowladda Federaalka ee tegay Dhuusamareeb..

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Galmudug kaas oo looga hadlayo  sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo khilaaf xilligaan uu ka dhaxeeyo.

Dhinac kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhowr jeer horay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya Galmudug ay ugu baxday heshiisyo ay la galeen.