Laba Maalin ka hor Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baraawe ayaa waxaa ay ka cawdeen in mudo Afar bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah,sidaas daraadeedna ay kasoo baxayaan furumaha dagaalka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay booqdeen degmada Baraawe, iyaga oo kulan la qaatay saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa sheegay in ciidamada amniga uu baahida iyo dhibka la qeybsan doono,waxaana uu sheegay in dhulkan ay iyaga leeyihiin,isla markaana uu kula dardaarmay ina siiwadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.



