Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii hore Wasaarada Arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).
Munaasabad Kooban oo Muqdisho lagu qabtay ayaa Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha uu si toos ah ugu Wareejiyay xilka Wasiirka cusub.
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in Sanadyadii lasoo dhaafay ay horumar gaartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana uu wasiirka cusub ka codsaday in uu sii Amba qaado howlaha Wasaarada.
Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in uu uga mahadcelinaayo Odawaa horumarka uu Wasaarada gaarsiiyay Sanadyadii lasoo dhaafay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha ay tahay Wasaarad muhiim ah ,islamarkaana ay si hufan ay ugu shaqeyn doonaan Bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa xilka kala wareegaya Wasiirada hore ee Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid.



