Wasiirka Amniga oo ka hadlay baarista Qaraxii lagu dilay Yariisow iyo Dilkii Almaas

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka maanta Su’aallo ka weydiiyeen Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow.

Xildhibaanada ayaa weydiiyay Wasiirka Su’aallo adag oo ku aadan in dowlada dhexe ee Soomaaliya wali aysan Cadeyn cid loo qabtay Qaraxaasi iyo sidoo kale dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Waxaa ay sheegeen Xildhibaanada in laamaha Amniga ay ku fashilmeen in dadweynaha ay ka qanciyaan baaritanadii socday.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo ka jawaabayay Su’aallaha Xildhibaanada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku heyso Shaqsiyaad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Qaraxii xarunta gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in wali ay socdaan baaritaano,islamarkaana ay ku daba jiraan shaqsiyaad kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay dilkii Muqdisho loogu geystay Almaas Elman, waxaana uu sheegay in wali ay socdaan baaritano dhawaan dadweynaha soo lasoo bandhigi doono.