Muqdisho-RisaalaFM- Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboledka maamulka Jubbaland Maxamed Yuusuf Aw Libaax ayaa xalay fiidkii u geeryooday dhaawac ka soo gaaray Qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Wasiir Aw Libaax ayaa inta uusan geeryoonin waxaa dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxaasi, isaga oo xilliga uu Qaraxa dhacayay marayay wadada.
Geerida Maxamed Yuusuf Aw Libaax Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulka Jubbaland waxaa xaqiijiyay masuuliyiinta Dowlad goboleedka Jubbaland.
Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soonaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka tacsiydeysay geerida Marxuum Aw Libaax.
Saraakiisha laamaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay Qaraxaasi in ay ku geeryoodeen 5 Qof, halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana Gaariga Qarxay nuuciisa uu ahaa SURF.
Waa Qaraxii labaad oo mudo Saddex maalmood ku siman ay uruka Al-shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho, iyada oo Ciidamada Dowladda ay wadaan feejignaan dheeri ah.



