Wasiirkii la dagaalanka musuqmaasuqa ee dawladda ku meel gaarka ah ee Brazil ayaa is casilay kaddib markii cajal laga duubay uu tilmaamay in uu isku dayay in uu hakiyo baaritaan lagu hayay shirkadda shidaalka ee dawladda ee Petrobras.
Fabiano Silveira waa wasiirkii labaad ee ku meel gaar ah ee is casila todobaad kaddib markii uu is casilay wasiirkii qorshaynta kaddib markii sidan oo kale la sii daayay cajal laga duubay.
Silveira wuxuu sheegay in hadalkiisa loo dhigay siduu u waday si aan ahayn. Labo doodaba waxaa magacaabay madaxwaynaha ku meel gaarka ah Michel Temer.
Temer ayaa madaxwaynenimada ka badalay Dilma Rousseff 12 bishan May. Kaddib markii aqalka sare ee baarlamaanka Barazil uu xilkii ka joojiyay madaxwaynaha iyada oo lagu eedeeyay in ay ka beensheegtay miisaaniyadda kahor dib u doorashadeedii 2014-kii.
Waxay ku dooday in shaqo ka joojinta lagu sameeyay loogu talagalay in lagu hor istaago baaritaanada shirkadda shidaalka ee Petrobras.