Reus oo laga saaray EURO 2016

Xulka Germany ayaa ka tagay weeraryahanka Borussia Dortmund Marco Reus markii la magcaay liiska 23-ka nin ka kooban ee ka qeyb galaya Euro 2016 sabab la xiriirta dhaawac.

Joachim Low ayaa kooxdiisa ka tuuray xiddiga Borussia Dortmund ,iyo xiddigaha kale ee Karim Bellarabi, Julian Brandt iyo Sebastian Rudy.

Afarta ciyaaryahan ayaa haatan ka tagay xerada tababarka ee Switzerland oo xulka Germany isugu diyaarinayaa ciyaaraha Euro 2016 oo kulanka ugu horeeya ay ku wajahayaan xulka Ukraine.

Goolhayayaasha: Manuel Neuer (Bayern Munich), Bernd Leno (Bayer Leverkusen), Marc-Andre ter Stegen (Barcelona)

Dafaca: Jerome Boateng (Bayern Munich), Emre Can (Liverpool), Jonas Hector (Cologne), Benedikt Howedes (Schalke), Mats Hummels (Borussia Dortmund), Shkodran Mustafi (Valencia), Antonio Rudiger (Roma)

khadka dhaxe: Julian Draxler (Wolfsburg), Mario Gotze (Bayern Munich), Sami Khedira (Juventus), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Toni Kroos (Real Madrid), Mesut Ozil (Arsenal), Leroy Sane (Schalke), Bastian Schweinsteiger (Manchester United), Julian Weigl (Borussia Dortmund)

weerarka: Mario Gomez (Besiktas), Thomas Muller (Bayern Munich), Lukas Podolski (Galatasaray), Andre Schurrle (Wolfsburg)