Wasiir Fiqi oo Magaalada Beijing uga qab galaya shirka Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya  Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa ku sugan ee  Maagalada  Beijing Caasimadda dalka Shiinaha, isagoo hoggaaminaya wafdiga  Soomaaliya, ee ka qeybgalaya meertada tobanaad ee shirka heer wasiir arrimo Dibadeed ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha oo lagu wado in la daahfuro 30 bishan May.

Madasha ayaa laga soo saari doonaa dhowr Qodob  oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Baaqa Beijing, barnaamijka fulinta ee Madasha Iskaashiga Carabta iyo Shiinaha ee sanadaha 2024-2026 iyo war-murtiyeedka wadaagga ah ee arrinta Falastiin, iyadoo dhammaan howlahan lagu jaan-gooyay kulamada gogol-xaarka ee maanta qabsoomay.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa kulan doceedyo labo dhinacle ah la yeelan doona Wasiirrada dhiggiisa ah iyo wakiillada matalaya dowladaha walaalaha iyo saaxiibada nahay ee ka qeybgali doona shirka heer wasiir si loo xoojiyo xiriirka labo geesoodka, lana sahamiyo fursadaha iskaashi ee nacfi wadaagga ah.