Safiirka Soomaaliya u joogay Masar oo soo gaba gabeeyay Xilli Hawleedkiisa Danjirenimo 

Ra’isul-wasaaraha Masar, Dr. Mustafa Al-Madbuuli  waxa uu bilowgii isbuucan Xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar oo ah Danjiraha Soomaaliya u joogay Masar, ahna Wakiilka Khaaska Somalia ee Xarunta Dhexe ee Ururka Jaamacadda Carabta ee magaalladda Qaahira.
Qaabilaadaasi ayaa ku soo beegantay iyadoo Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abubakar uu soo gebegebeeyey Xilli Hawleedkiisa Danjirenimo  dalka Masar iyo Ururka Jaamacadda Carabta oo uu hayey tan iyo bishii February ee sanadkii 2021-dii, kadib, markii uu geeriyooday Danjirihii ka horeeyey, Allaha U Naxariisto Ambassador C/Qani Maxamed Wacays oo bilowgii bisha May ee sanadkii 2020-kii ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Caasimadda dalka Kuwait .