New York-RisaalaFM- Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugan Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay ka qeyb galayaan shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay kaas oo lagu qabto xarunta UN-ka ee New York.
Waxa uu wasiirku shirkan ku matalayaa dowladda Soomaaliya isaga oo jeedin doona qudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeedin lahaa shirka madaxda aduunka ee qaramada Midoobay.
Shalay ayuu wasiirku kulan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka kuwaas oo ka kala yimid goboladda dalkan, waxayna ka wada hadleen arrimo baddan oo la xariira marxalada uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya, kaalinta Jaaliyada, isku xirka Qurba joogta iyo horumarka dalka .
Wasiir Cawad waxa uu sidoo kale kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda caalamka ee ka qayb galaysa shirka iyaga oo is dhaafsanayay xaaladaha dalalkooda, isbadalada caalamka iyo iskaashi caalami ah oo dhex mara wadamada caalamka si loo gaaro himilooyin ku dhisan horumar iyo isdhexgal.
Qudbada uu jeedin doono wasiirka ayuu diirada ku saari doonaa xaalada Soomaaliya, sida arimaha Amniga, Dhaqaalaha, Dowladnimada, iyo wax walba oo horumar ah oo ay dowladu qabatay iyo hadii ay jiraan wax caqabadaa oo ku xeeran gaar ahaan sidii loo xoreyn lahaa deegaamada ay Al Shabaab gacanta ku hayaan.



