Muqdisho-RisaalaFM-RisaalaFM- Warar ay heshay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegayaan in xilalka laga qaaday Todobo ka mid ah taliyeyaasha booliska degmooyinka gobolka Banaadir.
Taliyaha booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed ayaa xilalka ka qaaday taliyeyaasha degmooyinka Waaberi, Kaxda, Wartanabadda, Dharkeynley, Xamar Jajab, Shibis iyo Heliwaa.
Ilaa hadda ma cadda sababta xilalka looga qaaday taliyeyaashan, balse degmooyinka qaar ee taliyeyaaahooda xilalka laga qaaday ayaa waxaa ku badan falalka amni daro.
Taliyeyaasha qaarkood ee xilalka laga qaaday ayaa lagu bedelay degmooyin kale, halka qaar kalena ay sidaasi ku waayeen xilalkooda.
Ujeedada ugu weyn ee arrintan laga leeyahay ayaa waxa ay tahay sidii fursad loo siin lahaa dhalinyarada yar yar ee aqoonta leh, kuwaasi oo dhawaan ku soo biiray booliska.



