Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Fedceraalka Saoomaaliya Cabdiraxmaan Duucaalle Beyle ayaa maanta ka hor sheegay kullanka Golaha shacabka in Wadamadii Soomaaliya taageeri jiray ay hakiyeen taageeradooda dhanka Ciidamada.
Wasiirka ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu ka dhawaajiyo magacyada wadamadaasi joojiyay taageerada maaliyadeed oo ay siin jireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uuna ku nuux nuuxsaday in Soomaaliya loo baahanyahay in iyadu ay isku tashato waxa uuna Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday in ay ansixiyaan lacag 17 milyan ah oo ay wasaarada Maaliyada u qorsheysay in ay ku bixiso Ciidamada Qaranka maadama wadamadii taageeri jiray ay dhaqaalahooda jarteyn sida uu sheegay.
Hadalkaas uu wasiirka Xildhibaanada ka hor sheegay ayaa durbadiiba isla kullanka Golaha dhexdiisa waxaa jawaab ka bixiyay qaar kamid ah xildhibaanada waxa ayna sheegeen in ay suuragalltahay in si toos ah daqligaaasi uusan u gaari doonin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaalaiya.