Wasiir Beyle oo Muqdisho ka furay Shir

Wasiirka  Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shir looga Hadlaayo Hanaanka Maaliyadda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota Sagaal Wasaarood iyo xubno ka socda maamulada dalka ka jira.

Waxaa diirada lagu saaraya Shirkaan Hagaajinta Hanaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee sare loogu qaadikaro daqliga Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda oo kulanka Khudbad ka jeediyay ,waxaa uu sheegay in bilihii lasoo dhaafay hanaanka Maaliyadda Soomaaliya uu ahaa mid wanaagsan oo sare u ka kacay.

Dadka ka qeyb galaya Shirka ayuu ugu baaqay in ay si wanaagsan ugu doodaan Hanaanka Maaliyadda ee Wasaaradaha ay ka shaqeeyaan.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo Sare loogu qaadayo dhaqaalaha Soomaaliya,islamarkaana looga hortagaayo Musuqmaasuqa.