Wasaaradda Qorsheynta oo wadatashi la yeelatay Ururada Bulshada rayidka Jubbaland

Kulanka wadatashiga ayaa qeyb ka ah Qorshaha horumarinta Qaranka Soomaaliyeed oo ahmiyad ballaraan u leh dalkeena Soomaaliya, waxaana kulanka ka qeybgalay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Qorsheynta, Mauulayiin ka tirsan maamaulka Jubbaland, Urarada bulshada rayidka, iyo Quburo ku xeeldheer arimahan.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan Xoghayaha joogtada Wasaaradda Qorsheynta,Maaligashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda dhaxe ayaa sheegay in wadatashigan  muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.

“Waxaan halkaan maalintii labaad nooga socda Wadatashiga Wareegga koowaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Sagaalaad, waxaan maanta diirada saaraynaa maraaxil fara badan oo ku cad waxyaabaha aan dooneyno si dalkeenu u guuleysto, waxaana sharaf noo ah in muhiimadeheena aan ku cadeyno qorshaha taaso oo ahmiyad u leh dalka,

Qorshahan hore waxaan ka baray, in la darso wax qoran ee laga soo maray Qorshaha horumarinta qaranka sagalaad, wareega kowaad ee hada halkan u joogna waxaan qaadaynaa heerka saboolnimada aan ka joogna,midka labaad waxaa macquul ah in aad isku raacdaan in la yereeyo sabooolnimada waa in la kordhiyaa wax soo saarka, waxyaaha muhiimada leh ayaan kala qaadano see u kala hormarinaa, waa in aan ku xirnaa dhaqaale raadin iyadoo la eegayo wax ku baxayo iyo sida loogu xalin lahaa,  ayuu yari Xoghyaha joogtada Wasaaradda Qorsheynta.

Guddoomiyaha Ururada Buslahda rayidka Jubbaland Cabdulaahi Sheikh Shaafici waxuu sheegay in urarada bulshada rayidka ay soo dhaweenayaan in la dhageysto afgaartooda ,tasoo muujinayso in dalka horumarkiisa laga qeyb qaato.

Inta uu socday Kulanka ayaa waxaa si wayn looga hadlay wax ay tahay Saboolnimada, sida loo yaren karo Saboolnimada, iyo geedi socodka deyn cafiska Soomaaliya oo meel wagaansan marayso.

Ururada bulshada rayidka iyo qubrada  iyo qubrada Wasaaradda Qorsheynta ayaa wada falanqeeyay wax ay tahay saboolnimada hanaanka loo yaren karo, tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha horuamrinta qaranka, Sida Tubta Siyaasada loo dhan yahay,Tubta Dhaqaalaha,Tubta Amniga, Tubta Arrimaha Bulshada,Tubata Deeganka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Bulshada ka qeybgalay Wadatahsiga Qorshaha horumarinta Qaranka Sagaalaad ayaa koox_koox u qeybsanaa ayaa soo bandhigay talooyin horusocodk u leh geedi socodka qorista Qorshaha iyo horumarka guud ee dalka iyo heer Maamul.