Wariye ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Muqdisho

Wariye Cabdixamiid Karazay oo ka tirsan Tv-ga Universal iyo 2 qof oo kale ayaa ku dhawaacmay Qarax Gaari oo ka dhacay degmada Xamar-weyne.

Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Wariyaha waxaa soo gaaray dhaawac culus ,waxaana loo qaaday mid kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Goobta soo gaaray ,waxaana ay goobta ka qaadeen dhaawaca Cabdixamiid iyo sidoo kale labo qof oo kale.

Qaraxa ayaa ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray.