Allaha u naxariistee waxaa maanta isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday wariye Maxamed Maxamuud Macalim ( MM Macalim) oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Allaha u naxariistee, wariye MM Macalim ayaa kamid ahaa rug cadaayaasha saxaafadeed ee fara ku tiriska ah oo ka haray wariyeyaashii hore ee Radio Muqidsho oo sanadahan dambe ka howlgalayay warbaahinta dowladda.



