DHAGEYSO: Diyaargarowga xuska munaasabadda 15-ka May oo Muqdisho ka socda

Waxaa Magaalada Muqdisho looga diyaar garoobayaa Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, iyadoo la filayo in Magaalooyin badan oo Dalka ku yaala lagu qabto Munaasabado kala duwan.

Muqdisho ayaa ka mid ah Meelaha ugu horeeya ee Dabaal-dagyada waa wayn loogu sameynayo Munaasabadda Maalinta 15-ka May oo ahayd markii Dhalinyaro Soomaaliyeed ay aas-aaseen Ururkii SYL ee Xornimo Doonka Soomaaliya usoo halgamay.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Maalmahanba ku howlanayd diyaarinta Munaasabadda lagu xusayo 15-ka May, oo ah maalin ku weyn Shacabka Soomaaliyeed.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in la qaban doono cayaaro kala duwan oo lagu xusaayo Munaasabadda maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaa soo bilaabanaya Maanta.

Wasiirka Khadiijo ayaa sidoo kale tilmaamatay in koobabka cayaarahaasi lagu maamuusayo Wasiirkii howlaha Guud Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji oo dhawaan lagu dilay Muqdisho.

Sanadwaliba 15 Bisha May waxaa dalka oo dhan laga xusaa Maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo  lagu xusuusto 13-kii dhalinyaro ee u soo halgantay xornimo haatan aan ku naalooneyno.