Gavin Ford oo ahaa wariye si aad ah looga yaqaanay warbaahinta Lubnaan ayaa meydkiisa laga helay guri uu ka daganaa buuraleyda Beit Mery oo ah magaalo ku dhaw caasimada dalkaasi.
Wariye Ford waxa uu ahaa muwaadin u dhasahay dalka Britain waxa uuse ka shaqeysan jiray dalka Lubnaan oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday, waxaa uun la helay medkiisa oo dhiig daboolay lamana oga sababta geeridiisa iyo cida dishay balse Booliska dalkaasi ayaa sheegay in kaliya ay ogyihiin in la dilay oo uusan sabab dabiici ah u dhiban wariyaha.
Sidoo kale Booliska ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga wariyaha la xaday, markii ay damceyn in ay kusoo wargeliyaan Wariye Ford in gaarigiisa la xaday ayaa waxaa ay ka war heleyn meydkiisa oo dhiig ka buuxa.
Wargeys la yiraahdo Al-Nahar oo laga leeyahay dalkaasi Lubnaan ayaa daabacay in wariyaha gacmihiisa ay isku xirnaayeen, waxa ayna sheegeen in ay tuhmayaan in la jir dilay ka hor inta aanan la dilin wariyaha.
Hiba Aboud oo kamid aheyd dadka sida weyn ugu tixnaa wariyaha ayaa sheegtay in ay aad kaga naxday dilka wariyaha, “waxaan dhageysan jiray ilaa toban jirkeyga, waxa uu ahaa wariye shacbiyad ku dhex lahaa dalkaani waana ka xumahay in qof nagu qaali ah aan weynay”.
Booliska dalkaasi Lubnaan ayaa balan qaaday in ay gacanta kusoo dhigi doonaan cidii ka dambeysay dilka wariyaha.
XIGASHO: Al Jazeera TV.



