Wararkii ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday dalka Jarmalka

Hawlgal ballaaran ayay booliska dalka Jarmalka ka wadaan magaalada Munich ee koonfurta dalkaasi si ay gacanta ugu soo dhigaan ugu yaraan saddex qof oo la rumeysan yahay in ay ku lug lahaayeen weerar ka dhacay meel luga dukaameyste.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in 10 qof lagu dilay weerarka tiro kalena lagu dhaawacay.

Booliska ayaa sheegay in weerarkaasi uu noqon karo mid argagixiso.

Ciidamada ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana sidoo kale la joojiyay guud ahaan gaadiidka ka dhex shaqeeya magaaladaasi, waxaana magaalada dul heebaabaya diyaaro helikobtar ah oo ay boolisku leeyihiin.