Wararkii ugu dambeeyay Weerar lagu qaaday deegaanka Diif

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Diif ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda Kenya iyo sidoo kale ciidamo Ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan  Al Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhiga ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Deegaankaasi.

Taliyaha bilayska Joseph Boinnet ayaa xaqiijiyay weerarka Al-Shabaab ay kusoo qaadeen deegaanka Diif.

” Waxa uu ahaa weerar xoogan laakiin waan iska difaacnay inkastoo Shabaabku ay dhamaayeen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo hubeysan ciidanka ayaa si weyn iska celiyay dib ayaan u ceyrinay ” ayuu yiri Taliyaha bilayska  Joseph Boinnet

War lagu qoray baraha Al-Shabaab ay wararka ku faafiyaan ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku hayaan deegaanka Diif ayna dagaal kula wareegeen deegaankaasi.