Wararkii Ugu dambeeyay Weerar lagu dilay saraakiil Imaaraad ah

Faah Faahino ah ayaa ka soo baxaya israsaadeeyn  xalay ka dhacay xerada tababarka ciidamada Jenaraal  Gordan ee magaalada Muqdisho halkaasoo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay saraakiil ka tirsan ciidamada Imaaraadka ee xeradaasTababar ka bixinayay .

Sida  xogta ay ku heshay wargaahina Eisaala weerarka ayaa dhacay xilligii salaada maqrib xeradaas oo ay ku jireen saraakiil fara badan oo iskugu jiray Soomaali iyo imaaraad.

Askari ka tirsanaa ciidankii xeradaas lagu tababarka loogu sogababeeyay  oo ku hubeysnaa ayaa rasaas ku furay saraakiishaas waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  badan.

Wararka ayaa sheegaya in illaa  4 sarkaal oo Tababar baraayaal  ah oo 3 ka mid ah ay ahayeen imaaraati  ay ku dhinteen halka sarakaal Afaraad uu u dhashay dalka baxreyn kuna dhintay weerarkas, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana jira warar khasaaraha intaas ka badinaya.

Sidoo kale Warar ay sheegayaan in Sarkaalka ugu sareeya Saraakiisha Imaaraadka oo markii hore ay soo baxday inuu geeriyooday ayaa waxaa hadda la ii xaqiijiyay in dhaawac culus yahay oo xaalad Koomo ah uu ku jiro, laguna daweynayo Isbitaalka Digfeer , waxaa Sarkaalia lagu magacaabaa Col. Maxamed Mubaarak.

Sidoo kale saraakiil Soomaali ah ayaa iyana weerarkaas ku noqday dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhamaan meydadka iyo dhaawacyada la geeyey Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer oo aan wax badan ka fogeyn xeradaas.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu ka mid ahaa Ciidamada amniga Xerada  , kaasoo marki dambe la toogtay, wuxuu ka mid ahaa Guutada 28aad ee lagu soo tababaray dalka Uganda oo ahaa ciidankii u dambeeyay ee lagu soo tababaray Uganda.

Alshabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaas lagu dilay saraakiisha Imaaradaka ka tirsan.

.