Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 85-aad ee guutada 77 iyo Ciidanka Deeganka ayaa Howlgal qorsheeysan oo ay ka fuliyeen inta u dhaxeeysa Deeganada Masagawaa & Waniinle kusoo qabtay Mowlid Cali dhuxuloow oo ka tirsan Alshabaab .
Sarkaal ka tirsan Ashabaab ee lagu magacaabo Mowlid Cali Dhuxuloow lagana soo qabtay Deeganka Waniinle ee gobolka Galgaduud ayay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deeganka heleen xogtiisa ka dibna gacanta ayaa lagusoo dhigay.
Muddooyinkii dambe degaanada Bariga gobolka Galgaduud waxaa ka socday Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab .