Laascaanood-RisaalaFM-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in maamulka Somaliland ay odayaal gaaraya 25 ay ku xireen magaaladaasi.
Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha ee maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran- Cade ayaa la sheegaya in uu bixiyay amarka lagu soo xiray odayaasha dhaqanka.
Maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay odayaasha dhaqanka in ay ka dambeeyeen dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanka Dharkeyn-geenyo 70 km u jira magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Deegaanka Dharkeyn-geenyo ayaa waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeya beelo walaalo ah wada dagan Dharkeyn-geenyo ,waxaana ku dhintay dad ku dhow 22 qof tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen .


