Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo ka baxay degmada Xarardheere

Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegayaan in Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaasi, kadib markii ay  kordheen diyaaradaha dagaalka ee duqeymaha ka fulinaya degaanada hoos yimaada degmadaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay halkaasi isaga baxeen,waxaana cidlo ah Saldhiga iyo xarunta Degmada, maadaama halkaasi ay ku lahaayeen Fariisimo.

Ka bixitaan Al-Shabaab ee Degmada xarar-dheere ayaa waxaa loo sababeeyey in ay dulqaadan waayeen duqemaha ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan degaanada ka tirsan gobolkaa Mudug.

Mudo ku dhow 10 Sano ayay maamulayeen Al-Shabaab degmada Xarar-dheere ee Gobolka mudug.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa maalmhii lasoo dhaafay howlgallo ka waday degaano ku yaalla gobolka Mudug.

Bishaan gudaheeda ayaa in ka badan 4 jeer oo xiriir ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeeyeen degaano hoos yimaada degmada Xarardheere.