Wararkii ugu dambeeyay Markab la sheegay in lagu Afduubtay xeebaha Puntland

Warar kala duwan ayaa waxa ay kasoo baxayaan Markab maanta la sheegay in lagu afduubtay xeebaha degaanada maamulka Puntland.

Markabka ayaa la sheegey in uu ka yimid dalka Imaaraadka Carabta kuna jeeday dekadda Muqdisho.

Kooxo burcad badeed ah oo illaa iyo lix gaaraya ayaa markabkaasi qafaashay habeenkii Arbacada, sida uu sheegey Muuse Saalax oo ah guddoomiya Gardafuu ee Puntland.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Markabkaan oo shidaal u Waday muqdisho uu ku xumaaday badwaynta Bareeda markii la ogaaday ayaa maamulka gobolka Gardafuu u direen ciidan boolis ah.

Ciidankii Markabka loo diray ayaa la sheegay sidoo kale in ay qaateen hub uu siday inkastoo aan wararkaasi la xaqiijin karin.

Markabka ayaa hada la sheegay in uu ku sugan yahay Bareedo isla markaana uu socdo dadaalo la doonayo in hubkii ciidanku kala degay dib loogu celiyo markabka si markabku safarkiisa u sii wato.