Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saaka aroortii hore si buuxda ula wareegay degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ee halkaasi oo ay dhawaan la wareegeen Xarakada Al-Shabaab ka dib markii ay baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.
Degmada Tiyeeglow ayaa waxaa Dagaal la’aan la wareegay Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay ka baxeen Shabaabkii halkaasi ku sugnaa.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan Degmada, sidoo kalena ay wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.
Shabaab ayaa intii ay ku sugnaayeen Degmada Tiyeeglow waxa ay ku dileen tiro dad ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay jaajuus u ahaayeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya.


