Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

Ciyaartoyda Manchester United ayaa mushaharkooda la dhimi doonaa boqolkiiba 25 haddii ay ku guuldareysato inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka danbe.

Chelsea ayaa wadahadalo la gashay tababaraha xulka Talyaaniga Antonio Conte iyagoo doonaya inuu qabto kooxda xagaaag.

Kooxda horyaalka Shiinaha ee Shanghai Shenhua ayaa Manchester United u soo bandhigtay dalab 27 milyan ginni ah oo ay kula wareegayaan Wayne Rooney dhamaadka xilli ciyaareedkan, iyagoo kabtanka England siinaya mushahar 500 kun ginni isbuucii muddo seddex sanno ah, taasoo ka dhigeysa wajiga horyaalka soo kacaya.

Thiago Alcantara ayaa sheegay inuusan kula biiri doonin tababaraha Bayern Munich Pep Guardiola kooxda Manchester City xilli ciyaareedka danbe.

Xiddiga ku hungoobay Arsenal Nicklas Bendtner ayaa diyaar u ah inuu ku biiro kacaanka kubada cagta ee Shiinaha.

Leicester ayaa loo sheegay inay bixiyaan lacag ka badan lacagtii lagu burburin karay qandaraaska weeraryahanka CSKA Moscow Ahmed Musa iyadoo madaxweyne Yevgeny Gines uu filanayo inuu xiiso badan uga yimaado kooxaha sarsarre ee Yuurb.

daily star

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester City Yaya Toure ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo horyaalka Mareykanka xagaaga, iyadoo kooxo dhowr ah oo Mareykan ah ay raadinayaan inay la wareegaan haddii uu go’aansado inuusan dib ula midoobin Pep Guardiola.

daily telegraph

Jorge Sampaoli ayaa noqday tababare si dhab ah ugu sharxan shaqada tababare ee kooxda Chelsea iyadoo Roman Abramovich uu raadinayo tababarihii si joogta ah u bedeli lahaa Jose Mourinho.

Zlatan Ibrahimovic ayaa dilay rajadii Man United ay ku dooneysay inay kula soo wareegto iyadoo ilo ku sugan Faransiiska ay sheegayaa inuusan sii kireysanin gurigiisa Faransiiska taas bedelkeedana uu guri ka iibsaday Miami.

the sun

Manchester United ayaa halis gelineysa inay seegaan Jose Mourinho haddii aysan si degdeg ah ugu dhaqaaqin tababarihii hore ee Chelsea, Inter Milan ayaa dooneysa inay ku soo celiso San Siro oo uu isbuuca bilaabanaya booqon doono.

Roman Abramovich ayaa weydiistay tababarihii hore ee Chelsea Avram Grant inuu kala taliyo cidii uu ka dhigi lahaa tababaraha soo socda ee Chelsea.

Adam Johnson ayaa laga tirtirayaa taariikhda sidaasina waxaa sameynaya xiriirka kubada cagta Ingariiska iyadoo sawiradiisa oo dhan laga fujinayo Wembley iyo xafiisyada xiriirka.

Arsenal ayaa ka baxday dagaalkii ay ugu jirtay saxiixa Leroy Sane ka dib markii loo sheegay in qiimihiisa uu ugu yaraan gaarayo  40 milyan ginni inay ku helaan xiddiga mustaqbalka leh ee Schalke.

Swansea City ayaa ka dhigtay daafaca Ghana Jonathan Mensah bartilmaameedkooda koowaad ee xagaaga, iyadoo 25 jirkaan uu u ciyaarayo kooxda reer France Evian.

Leicester City ayaa dib u soo cusbooneysiin doona dalabkooda ay ku doonayaan weeraryahanka Sportimg Lisbon Islam Slimani xagaaga, ka dib markii ay ku guuldareysteen inay soo xerogeliyaan xiddiga 20ka milyan ginni ee reer Algeria bishii Janaayo.

Xiddiga diirada u saaran Arsenal Granit Xhaka ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Premier League oo uu ka soo wareego kooxda Borussia Monchengladbach xagaagan.