Puntland oo kasoo horjesatay wax ka badalka cutubyo ka tirsan dastuurka

War qoraal oo kasoo baxay maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay waxa ay kaga hadleen wax ka badalka lagu sameeyay cutubyo ka tirsan dastuurka dalka kuwaas oo gaaraya ilaa iyo 9 cutub oo ay soo bandhigtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Warkaan qoraalka ah ee kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay in wax ka badalka lagu sameeyay  cutubyada dastuurka dalka ay sii kala fogeen karto khilaafka siyaasadeed ee hada ka dhex taagan dowladda dhexe Soomaaliya iyo waliba maamulka Puntland.

Waxa ay sheegeen maamulka Puntland in aan lagala tashanin wax ka badalka dalka sidaasina ay uga soo horjeesteen wax ka badalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay ku soo bandhigtay xarunta ay ku shiraan baarlamaanka Soomaaliya ee golaha shacabka cutubyo ka mid ah kuwa dalka kuwaas oo gaaraya ilaa iyo 9 cutub.

Waxaana kulankaas goob joog ka ahaa gudoomiyaasha baarlamaanada maamulada dalka ka jira marka laga reebo maamulka Puntland oo aan kulanka soo xaadirin.

Muranka khilaafka badan dhaliyay ee ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo waliba maamulka Puntland ayaa sii kordhaya tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday go,aankii kasoo baxay shirkii hogaamiyaasha madasha wada tashiga heerka qaran ee muqdisho lagu soo gabagabeeya kaas oo ay maamulka Puntland ay kasoo horjeesteen