Muqdisho-RisaalaFM- Gelinka dambe ee maanta ayaa sida qorshaha uu yahay la filayaa in la soo gaba gabeeyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maalmahan magaalada Muqdisho ka socday sidoo kalena laga soo saaro War-murtiyeed ay isku raacaan Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada.
Ilo Madax banaan oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Doorashada ay waqtigeeda dib uga dhici doonto muddo labo bil ah, sidoo kalena wax walbo ay ku cadaan doonaan War-murtiyeedka ka soo bixi doona Madaxda Wadatashiga Qaran.
Dhinaca kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta kulamo la qaatey guddiyo kala duwan oo ay ka wadahadleen arrimaha doorashada iyo amniga qaranka.
Madasha ayaa ugu horeyn kulan la yeeshay Guddiga Diyaarinta Doorashada ee Heer Federaal oo uu horkacayay Guddoomiyaha guddigaasi Cumar Maxamed Cabdulle.
Madaxda madasha ayaa warbixin ku saabsan jadwalka doorashada ka dhegeystey guddiga, waxaana ay guddiga ku bogaadiyeen hawsha ay hayaan.
Shirkan Madasha Wadatashiga Qaran ayaa ah midkii ugu dambeeyay oo ay yeelanayaan Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxaana wixii hada ka dambeeya la guda gali doonaa arimaha ku aadan Doorashooyinka.


