Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho,ayaa sheegay qaabka ay u dhacayso doorashada iyo xiliga doorashada.
Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25-ka September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxa uu sheegay in ay dhacayso 24-ka September ilaa iyo 10-ka October.
Sidoo kale Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka ayaa la shaaciyay in dhacayso 25-ka October.
Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa cadeeyay in Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30 October.


