Ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maalmahan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa waxa uu halkaasi ka wadaa dadaalo ku aadan in ay Puntland aqbasho Nidaamka 4.5.
Waxaana uu halkaasi kulamo gaar gaar ah kula qaadanayaa maanta isimada Puntland qaarkood oo ay si faah faahsan mar kale uga wada hadlayaan arimaha Siyaasadda ee Soomaaliya.
Kulamada ayaa looga hadlayaa arimaha doorashooyinka dalka ee ka dhacaya dalka Soomaaliya dhamaadka sanadkaan 2016, waxaana la filayaa in maanta gelinta dambe laga soo saaro natiijada shirar ka dhacay Garowe.
Puntland ayaa diidan in qaabka 4.5 lagu soo xulo xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka, halka dowlada ay arintaasi isla saxiixeen maamul goboleedyada dalka qaarkood.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu doonayaa in natiijo la taaban karo ay ka soo baxaan kulamadan uu la qaadanayo madaxda Puntland.


