Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahanada Al-Shabaab ay wadaan dhaqdhaaq ciidan oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuw Galmudug oo Saaka ka ruqaansaday degaanka Camaara ee gobolka Mudug ,islamarkaana u jaheystay dhanka degmada Xarardheere oo ay Al-Shabaab Muddo dheer ay gacanta ku hayeen.
Dadka kunool degaanka Camaara ayaa u sheegay Idaacadda Risaala in Ciidamada Galmudug oo wata Gaadiidka Dagaalka qaarkood ay Saaka ka baxeen Camaara,islamarkaana ay u jaheysteen dhanka degmada Xarardheere.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuw Galmudug ayaa Shalay la wareegay gacan ku heynta degaanka Caamara ee gobolka Mudug.
Maamulka Galmudug ayaa doonaya in ay Al-Shabaab ay ka saaraan degmada Xarardheere , waxaana howlgalka ay ku qabsanayaan degmada uu Magaalada kaga soo wajahan yahay dhowr jiho.
Sidoo kale degmada Xarardheere ayaa waxaa ka bilowday Barakac ay sameeyaan dadka , waxaana Al-Shabaab ay dadka ku amrayaan in aysan Magaalada ka bixin.


