Boqolaal ka mid ah Xoogsatadii ka shaqeysan jiray Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa Maanta dhigay Banaanbax weyn oo ay kaga cabanayaan shirkadda Al-bayrak oo gacanta ku heysa Dekedda Muqdisho.
Waxaa ay sheegeen in howlahii Shaqadda ee Dekedda Muqdisho ay la wareegtay shirkadda Al-bayrak ,islamarkaana aysan haysanin waxyaabo ay ka shaqeysan taan oo ay nolol Maalmeedkooda ka helaan.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka dalbadeen Xoogsatada inuu ka shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa kaalintii Xoogsatada ay ku lahaayeen Dekadda Muqdisho.
Muddo ayey sheegeen Xoogsatada Dekedda Muqdisho inaysan shaqeysan islamarkaana hada ay u baahan yihiin in loo soo celiyo shaqooyinkii ay ku tiirsanaan jireen.


