Daawo Sawirada Munaasabad lagu taageerayay farmaajo

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Phoenix ee dalka Mareykanka.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo taageero buuxda u muujiyay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay Mustafa  Haji Af-Balaadh Gudoomiyaha Somali Association Of Arizona oo ku hadlayay magaca dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadda, wuxuuna u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay munaasabadda oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen Magaalooyinka kala duwan ee Gobalka Arizona.

Col Jamac Bariir oo ka mid ah saraakiishii hore ee Ciidamaddii Soomaaliya ayaa isagana munaasabadda ka hadlay, wuxuuna talo u jediyay madaxweynaha la doortay in la soo celiyo saraakiishii hor ee ciidamada, lana howlgeliyo, wuxuuna madaxweynaha ka codsaday in uu arrimaha amniga xoogga saaro iyo dhaqaalaha si macluush iyo Ciidan la,aanta Soomaaliya looga samata-bixiyo

 Ugu dambeyntiina waxaa si wada jir ah munaasabadda usoo gabagabeyay madaxda Jaaliyadda Soomaalyeed ee Somali Associan Of Arizona Hambalyo iyo Bogaadine u jeediyay Madaxweynaha Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Baarlamanka Soomaaliyeed ee doortay.
1
3 4