Japan oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Soomaaliya

Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ugu deeqday Lacag dhan 2.9 Million oo dollar oo wax looga qaban doono Abaaraha ba’an ee ka jira Soomaaliya.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay badbaadinta dadka Soomaaliyeed  ay Saameeyeen Abaaraha ,islamarkaana ay ka qeyb qaadan doono Gargaarka loo fidinaayo dadkaasi.

Hay’adda WFP ayaa soo dhaweysay go’aanka ay qaaday dowladda Japan , waxaana ay ka codsatay in lacagtaasi ay balan qaaday in ay si deg deg ku bixiso.

Dowladda Japan ayaa ka mid ah dowladaha doonaya in ay wax qabtaan Abaaraha ka jira Soomaaliya.