Wararkii ugu dambeeyay deegaanada Puntland

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xiisadaha dhanka amaanka ee kusoo kordhay deegaanada Puntland, kadib markii kooxo doonyo wato ay qabsadeen deegaano ku yaala xeebaha gobolada Bari iyo Nugaal.

Kooxo hubeysan oo la wareegay gacan ku heynta deegaanka Bandar Beyla ayaa lagu soo waramayaa iney xalay ku hoydeen deegaanka.

Xubno ka tirsan maamulka Puntland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kooxaha qabsaday deegaanada Bandar Beyla, Garmaal iyo Garacad ay u sheegeen dadka deegaanka iney Daacish ka tirsan yihiin.

Waxaa aad u adag in macluumaad dheeri ah laga helo goobaha ay qabsadaan kooxaha hubeysan, waxaase saraakiisha Puntland ay sheegeen iney dhawaan dib ula wareegi doonaan deegaanada laga qabsaday.

Ma jirto saraakiil ka tirsan kooxaha hubeysan oo sheegay waxa ay yihiin, marka laga reebo tuhunka laga qabo iney Al-shabaab ka tirsan yihiin.