Wararkii u dambeeyey Helikobtarkii uu la socday Madaxweynaha dalka Iiraan

Wafdigii madaxweynaha iran ee kasoo laabanayey Booqashadii Adarbijan ee diyaaradda Helecopter ah shalay gelinkii danbe kula burburtay Adarbijaanta Bari ee Iran ayaa saaka xilli hore kooxaha badbaadada gaareen goobtii ay ku dhacday diyaaradda.
Hay’adda Bisha Cas ee Iran ayaa sheegtay inaysan jiri rajo laga qabo in ay badbaadeen dadki saarnaa diyaaradda oo uu ku jiro madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha dibadda iran.
war rasmi ah oo kasoo baxay ma jiro weli dowladda Islaamiga Iran oo lagu xaqiijiyey geerida dhammaan masuuliyiintii saarnaa diyaaradda burburtay, waxaana la sugayaa inay dowladdu soo saarto war rasmi ah.