J/Hoose-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal Ciidanka Kenya iyo Shabaab ku dhexmaray Degaanka Kulbiyow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow.
War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen in ay la wareegeen gacan ku heynta saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow, maadaama Shabaab weerarkooda uu isugu jiray Qaraxyo iyo weerar toos ah.
Sidoo kale Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in Dagaalkan ay kula wareegeen Sahnad Millitari oo Ciidanka Kenya ay leeyihiin, gaar ahaan Gaadiidka Dagaalka iyo Hubka nuucyadiisa kala duwan, iyagoo intaa ku daray Dagaalkan in ay ku dileen 57 Askari oo Kenyan ah.
Dhanka kale Dowladda Kenya oo Dagaalkan ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay in ay Ciidamo dheeraad ah u dirtay Degaanka Kulbiyow oo saakay Shabaab ay ku qaadeen weerar isugu jiray Qaraxyo sidoo kale mid toos ah.
Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Kenya ayaa sheegay in Ciidamo aad u badan ay u direen goobta uu weerarku ka dhacay.
Waxaa uu sheegay in saakay aroortii Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhiga Ciidanka Dowladda Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, isagoo intaa ku daray in uu jiro khasaare, maadaama Dagaalyahanada Shabaab ay gudaha u soo galeen saldhiga Ciidamada.
Ciidamada Kenya ee loo diray Degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la socda kooxda gar gaarka deg deg ah, si ay u caawiyaan Ciidanka Kenya ee ku dhaawacmay Dagaalka.


