Trump oo canshuur dheeraad ah saaray alaabta Mexico

Madaxweynaha Mareykanka ayaa doonaya in canshuur dheeraad ah la saaro alaabta Mexico lagu sameeyo ee dalkiisa lagu iibiyo, si lacagtaas loogu bixiyo qarashka derbiga, sidaasi waxaa sheegay afhayeenka Aqalka Cad.

Qorshaha ayaa lagu baaqay saacado ka dib markii madaxweynaha Mexico uu joojiyay booqasho uu ku tagi lahaa Washington, ka dib qilaaf ka dhashay cidda bixineysa qarashka derbiga xuduudda laga dhisidoono.

Laakiin Aqalka Cad ayaa sheegaya in canshuur kordhinta ay tahay tallaabada keli ah ee hadda u furan.

Donald Trump ayaa arbacadii saxiixay amarka lagu dhisayo derbiga xuddda dhanka Koofureed ee Mexico uu kala wadaago Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Mexico, Luis Videgaray, ayaa ka jawaabay qorshaha Mareykanka ee alaabtooda Mexico lagu saaro canshuur boqolkiiba 20 ah.

Ujeedada canshuurtaas ayaa ah in la bixiyo qorshka derbiga uu qorsheynayo madaxweyne Trump.

Mr Videgaray wuxuu sheegay in canshuurta noocaas ah ay saameyndoonto shacabka Mareykanka, ayna qaali noqondoonaan laga billaabo Qudaarta illaa qalabka gawaarida iyo waxkastaa.

Wuxuu ku celiyay in Mexico aysan bixindoonin qarashka derbiga, taas oo uu ku tilmaamay inay bahdil ku tahay qarrannimadooda.

Inay dhaqaalaha Mexico bixiso waxay ahayd mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa Trump ee xilligii ololihii doorashada.