Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa xalay laga maqlay Rasaas iyo Bambo gacmeedyo, kadib markii weerar lagu qaaday saldhig Ciidanka Maamulka Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Gaalkacyo.
Weerarkan ayaa la sheegay khasaare badan in uusan geysan, balse ay jiraan dhaawacyo soo kala gaaray kooxihii weerarka soo qaaday iyo Ciidanka Maamulka Puntland.
Warar madax banaan ayaa sheegaya kooxaha weerarka soo qaaday in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Maamulka Galmudug oo dagaal kula jira kuwa Puntland.
Wariyaha Risaala ee Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in saakay xaaladu ay tahay mid degan, inkastoo dadka cabsi kale oo hor leh ay ku sii abuurtay arrintan.
Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa waxa ay wadaan dadaalo lagu kala qaadayo Ciidanka isku hor fadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Dadkii ka barakacay Gaalkacyo.


