Warar cusub oo kusoo kordhay Doonidii ku degtay xeebaha Liibiya

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 4 qof sidoo kalena ay heleen Meydka 9 qof oo ka mid ahaa dadkii Sarnaa dooni siday 110 qof oo ku degtay Xeebaha dalka Liibiya.

Dadka doonidaasi degtay Saarnaa ayaa waxa ay kasoo jeedaan badankooda Qaarada Afrika sida ay sheegeen dadkii lasoo badbaadiyay.

.Hasayeeshee tobannaan qof oo kale ayaa weli la rumaysan yahay in ay badda ku jiraan.

Doonta ayaa ku degtay inta u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, halkaasi oo 50km u jirta xeebta Liibiya.

Tirada muhaajiriinta u safarta Yurub ayaa hoos u dhacday tan iyo markii ay bilaabatay dhibaatada muhaajiriinta dabayaaqadii 2015, hasayeeshee in dadku ay ka soo tallaabaan badda ayaa weli ah mid dad badan ay adeegsadaan misana khatar ah.

Jimcihii, ciidammada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa badbaadiyay ku dhawaad 550 muhaajiriin ah oo ku safrayay badda Mediterranean-ka