Wararka naga soo gaaraya Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa ay sheegayaan in kooxo ku hubeysan Bastoolado ay toogteen Ganacasade Cismaan Aadan Qalab Xoor oo ka mid ahaa Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Kooxihii toogashada geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka carareen .
Cismaan Aadan Qalabxoor ayaa maalmo ka hor waxaa uu ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa.
Sida ay dad joogjoogayaal ah ay Risaala u sheegeen goobta waxaa soo gaaray ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya.


