WAR DEG DEG:- Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay Xamar Jajab

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Buulada ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goor dhow oo caawa ah lagu dilay Nin magaciisa lagu sheegay Nuur Cali Isxaaq.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa gurigiisa ku dhex dishay Marxuum Nuur, dilka kadiba ayay ka baxsadeen goobta, sida ay Risaala u sheegeen dad derisl a ah ninka la dilay.

Dadka Degaanka oo aan caawa la xiriirnay ayaa inoo sheegay ninkan la dilay in uu horey uga tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse hada uu iska ahaa nin si caadi ah u shaqeysan jiray.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa caawa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano guri guri ah, iyagoo sidoo kale ku raadjooga raggii ka dambeeyay dilkan.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa sidoo kale waxaa Degmada Yaaqshiid ay kooxo hubeysan ku dileen Hooyo Shamso Xaaji oo ka tirsaneyd Haweenka Gobolka Banaadir ee nadaafadda ka shaqeeya sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane.