G/sare Maxamed Adan Jimcaale Koofi Agaasimaha Hay’adda ayaa madaxweynaha ka dalbaday in in Hay’adda Lagala shaqeeyo sidii ay wajibaadkeeda uga gudan laheyd deegaanada uu ka taliyo Maamulka Koofnur Galbeed gaar ahaan degaanada dhanka xaduuda xiga.
Madaxweynaha koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa dhankiisa balan qaaday in wax kasta oo ku saabsan howlaha Hay’adda ay kala shaqeyn doonaan waxaana ay labada masuul si wada jira iskula garteen in sida ugu dhaqsiyaha badan xarumo looga furo Magaalada Ceelbarde oo dhanka Xaduuda xikta iyo mgaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.




